Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar Oo La Dalbaday In Loo Magacaabo Xil Wasiir Oo Muhiim Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Qaar ka mid ah dadka isticmaala Baraha Bulshada, gaar ahaan Twitterka ayaa si weyn u hadal haya sheeko ku saabsan in dad ay ka mid tahay Ilhaan Cumar lagu soo daro golaha Wasiirrada ee Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden.

Siyaasiyiinta ay dadkan dalbanayaan in xukuumadda lagu daro ayey ka dhex muuqataa Ilhaan, iyagoo ku baaqaya in laga dhigo Wasiirka Amniga Gudaha ee dalka Mareykanka.

Markii ugu horreysay waxa uu mowduucan ka billaabay qoraal ay Alexandria Ocasio-Cortez, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Qoraalkaas ayey xildhibaanaddan ka tirsan Xisbia Dimuqraaddiga dadka ku weydiisay cidda ay ku riyoonayaan in lagu soo daro golaha wasiirrada ee cusub.

Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaa aad la isula dhex marayay magacyada dadka lala jeclaan lahaa xilalka sar sare ee dowladda uu gadhwadeenka ka noqon doono Joe Biden. Dabcan dadka ugu badan ee ololahan wada waa taageerayaasha Dimuqraaddiga iyo madaxweynaha la doortay.

Hase yeeshee ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo lagu soo hadal qaaday in Ilhaan loo magacaabayo xil wasiirnimo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this