Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharraxiinta mucaaradka oo maanta doortay guddoon cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maalintii afaraad ka socda shirka musharraxiinta madaxeynaha oo looga hadlayo doorashooyinka dalka ee 2020/21-ka.

Musharraxiinta shiraya oo gaaraya illaa 14 xubnood ayaa maanta gudooomiye u doortay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxa ay xoghaye u doorteen Xuseen Cabdi Xalane wasiirkii hore ee maaliyadda, halka afhayeen loo doortay ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka Ridwaan Xirsi Maxamed.

Waxaa sidoo kale shirka maanta ka qeyb-galay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed, gaar ahaan garabka Ahlu Sunna Waljamaaca oo lagu casuumay shirkaas, si ay ugu biiraan talooyinkooda ku aadan xaaladda uu dalku marayo, gaar ahaan doorashada.

Shirka musharraxiinta oo si weyn isha loogu hayo ayaa waxaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo gelinka dambe ee maanta oo Talaado ah, iyada oo laga soo saari doono war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadleen hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad kala guur ah, waxaana haatan dowladda federaalka u diyaar garoobeysaa doorasho isugu jirto tan baarlamaanka & madaxweynaha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this