Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Deni oo diiday Codsi uga yimid Musharrixiinta ku shirsan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
1-35.jpg?resize=960%2C740&ssl=1

Madaxweyne Deni, ayaa si cad u diiday codsi uga yimid musharrixiin ku shirsan Muqdisho, kuwaas oo ka dalbaday  in uu beddelo laba xubnood oo ka tirsan Xafiiskiisa, oo uu ku daray Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Musharrixiinta ku shirsan Muqdisho, waxay madaxweyne Deni ka dalbadeen, in uu beddelo labada xubnood oo kala ah; Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Puntland Cabdiweli Cali Cabdulle Tima-cadde iyo Yaasmiin Maxamuud Xaamud (Nayn) oo kamid ah Guddiga sare ee La-Talinta Madaxweynaha.

Musharrixiintu waxay Mr. Deni xasuusiyeen, in haddii uu beddelo labadaas xubnood ee ka tirsan Madaxtooyada Puntland, taasi ay cadaadis ku saari doonto Madaxweyne Farmaajo, in uu beddelo xubno ka tirsan Xafiiskiisa, oo uu ku daray Guddiga Doorashooyinka heer Federaal.

Balse, Madaxweyne Deni ayaa gebi ahaanba diiday codsiga uga yimid Musharrixiinta Doorashada 2020/2021,  kaas oo ku saabsan in uu beddelo labada xubnood oo kala ah Cabdiweli Tima-cadde iyo Yaasmiin Nayn.

PUNTLAND POST

The post Xog: Deni oo diiday Codsi uga yimid Musharrixiinta ku shirsan Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this