Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dhimasho iyo Khasaare Kale oo Ka Dhashay Dufaan Ka Kacday Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar ayaa laga helayaa  roobab dabeylo wata oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ayey gobolka Bari ee dowlad goboleedka, Puntland, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro khasaare kala duwan oo roobabkaas ka dhashay.

Magalaada Boosaso ee xarunta gobolka Bari waxaa la soo sheegayaa roobab ka da’ayey xalay ilaa iyo saaka, kuwaas oo biyo badan dhigay magaalada, isla markaana xanibay isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada.

Waxaa sidoo kale roobabku ay saameeyeen goobaha ganacsiga iyadoo lasoo sheegayo in daadalka ka dhashay roobabka ay gudaha u galeen dhismayaal ganacsi, biyaha ayaana socda magaalada, waxaa dumay guryo badan.

Roobka ayaa waxaa sidoo kale ay saameeyeen  dadka baracayaasha ah ee degan magaalada, kuwaas oo degan guryo ka sameysan cooshado, waxaana sidoo kale dumay baalayaasha korontada, kuwaas oo dhalin karo khasaare nafeed.

Dhanka kale, roobabka oo saacadihii tagay ka da’ay deegaanka Xaafuun ee gobolka Karkaar ayaa waxaa la soo warinayaa inuu dhaliyey khasaare nafeed,  8 ruux oo kalluumaysato ah ayaa geeriyooday waxaana jiro dhaawacyo kalluumaysato.

Dhimashada ayaa waxaa ay ka dhaceen deegaanka Hadiya oo hoostaga deegaanka Hadiya kaas oo hoos yimaado deegaanka Xaafuun, 8 ruux ayaa waxaa ay u dhasheen Yaman, halka kuwa dhaawaca ah lagu sheegay Soomaali.

Gobolka Bari ayaa dhowaan waxaa laga digay in ay ka di’i  karaan roobab dabeylo wata, roobka ayaana waxaa ay yihiin kuwo dabeylo wata oo ka da’ayo dhulka xeebta ah ee gobolka Bari.126367406_3521911597888728_1469505486881117061_n.jpg?_nc_cat=104&ccb=2&_nc_sid=ae9488&_nc_ohc=QBKin1UV5EUAX-Wszyt&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=801221ea22f4b4f606d1cdb45d194205&oe=5FE179EC

127276746_3585224141526117_5962027539952511701_n.jpg?_nc_cat=108&ccb=2&_nc_sid=ae9488&_nc_ohc=-JdOuVThf88AX_UgN1f&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=8d8ee5936b18c57003e173e19bf89dd8&oe=5FE18236

127121971_1366478443744581_1509447823404652174_n.jpg?_nc_cat=107&ccb=2&_nc_sid=ae9488&_nc_ohc=8ueq0QMj3DIAX8vw6v3&_nc_oc=AQlySoaCsEu5HNRjrMNPPIGLRx1uF-78pyirHiftddQSStWaq4BBh0OmlZNHoiFG2l0&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=c6934ba00f05d7252fc4418fe2ac284c&oe=5FDF89FA

126391176_454826405500801_3985024813693886332_n.jpg?_nc_cat=100&ccb=2&_nc_sid=ae9488&_nc_ohc=hF2cTw3QSKUAX-GlIUx&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=9b1713ff8b3e8cf0fa4b6c86762bd8b9&oe=5FE08293

126867886_403210431035538_80958634881432937_n.jpg?_nc_cat=101&ccb=2&_nc_sid=ae9488&_nc_ohc=lpHpW7DacjEAX-scfxh&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=0dda89a9fc4e43e0950f7821d1c96896&oe=5FE3016F

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this