Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisadii kala dhalatay tegista MW Cali Guudlaawe ee Beledweyne oo la xaliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay xalinta xiisad beryahan dambe ka taagneyd gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, taas oo ka dhalatay tegista safar uu magaaladaasi dhowaan ku gaarayo madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabelle, Cali Cabdulaahi Xuseen (Guudlaawe).

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo taliyaha nabad sugida gobolkaasi Colaad Cabdullahi Dalabey ayaa booqasho ku tegay deegaanka Ceelgaal oo ku yaalla duleedka Beledweyne, halkaas oo ay isku aruusanayeen maleeshiyaad iyo saraakiil hore oo ka soo horjeeday, sida loo wajahay dhisida maamulka HirShabelle.

Labada dhinaca oo kulan yeeshay ayaa ka wada-hadlay, sidii meesha looga saari lahaa xiisadaasi, islamarkaana looga shaqeyn lahaa horumarinta HirShabelle.

Saraakiisha gadoodka waday ee kulanka ka qeyb-galaya ayaa waxaa hoggaaminayey sarkaal lagu magacaabo Janaraal Abuukar Xuud oo ka mid ahaa musharaxiintii ka hartay tartanka doorashadii dhowaan ka dhacday gudaha magaalada Jowhar.

Ilo ku dhow kulankaasi ayaa Caasimada Online u sheegay inay labada dhinac isku afgarteen in laga wada-shaqeeyo nabadda, wada-hadalna lagu dhameeyo arrinta.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha iyo maleeshiyaadka hubeysan ee abaabulka ka waday Ceelgaal lagu soo celiyey Beledweyne, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Si kastaba saacadaha soo socdo ayaa waxaa la filayaa in gobolka Hiiraan uu gaaro madaxweyne Guudlaawe waxaana kaga sii horreeyey ku xigeenkiisa Dabageed.

The post Xiisadii kala dhalatay tegista MW Cali Guudlaawe ee Beledweyne oo la xaliyey first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this