Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo Muqdisho kulan kula qaatay xubnoka mid ah musharraxiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa casho sharfeed ku casuumay qaar kamid ah musharixiinta ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi.

Kulanka xubnaha ka qeyb galay waxaa kamid ahaa; ra’isul wasaarihii hore XFS Xasan Cali Khayre, madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed,Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame hoggaamiyaha xisbiga Wadajir iyo Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.

Sidoo kale kulankan ayaa ahaa mid wada-tashi ah oo looga arrinsanayey maareynta marxalada kala guurka ah iyo masiirka dalka.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa looga hadalay sidii doorashaddu waqtigedii ugu dhici laheyd iyo in laga fogaddo qalalaase siyadadeed oo ka dhaca dalka.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho isugu jirto tan baarlamaanka iyo madaxweynaha oo la qabanyo sanadka soo socdo ee 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this