Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Itoobiya oo Guulo Ka Sheegatay Dalgaalka Gobolka Tigree

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Itoobiya ayaa guulo waxaa ay ka sheegatay dagaalka gobolka Waqooyiga dalkaas, waxaana ay durgayaan magaaliyin gobolka ayna  xoogaga u daacad ah xukuumadda gobolkaas ee TPLF, ka qabsadeen magaalada Adigrat.

Maamulka gobolka ee Tigree ayaa sheegay in dad rayid  lagu laayey gobolkaas, majiro faahfaafin intaas ka dheeraad ah oo ay biyeen, maadaama isgaarsiinta ay ka maqantahay hawada oo la jaray dhammaan isgaarsiinta gobolkaasi.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Itoobiya ee hoggaamiyo Abey Axmed ayaa sheegay in Ergada Midowga Africa uu soo magacaabay aysan tagi karin gobolka, laakiin ay la kulmi karaan oo kaliya Ra’iisalwasaaraha dalkaa Abey Axmed.

Afhayeenka oo la weydiiyey in cid ama qabiil gooni ay beegsanayaan ayaa sheegay in aysan jirin, arrintaas waxaana uu xoogagga TPLF uu ku tilmaamay qaswadayaal, howlgalkana uu sii socon doono inta laga soo afjarayo dagaalkaasi.

Dalka Itoobbiya gobolka ku yaalla Waqooyiga ayaa waxaa ka holcaayo dagaallo  u dhaxeeyo ceedamada federaalka Itoobiya iyo xoogagga maamulka gobolka Tigree ee TPLF, kuwaas oo diiday doorasgada dalka oo dib loo dhigay.

Goobjoog News

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this