Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika oo Ergo 3 Madaxweyne ka kooban u magacaabay xalinta Colaada & Dagaalka ka qarxay Gobolka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Afrika oo Guddi 3 Madaxweyne ka kooban u magacaabay xalinta Colaada & Dagaalka ka qarxay Gobolka Tigray Itoobiya

ergo.jpg

Madaxweynaha koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, oo haatan ah hoggaamiyaha ururka Midowga Afrika, ayaa 3 xubnood u magacaabay in ay wada hadal ay ku dhameeyaan dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah Ellen Johnson-Sirleaf, oo madaxweyne ka soo noqotay Liberia, Joaquim Chissano, madaxweynahii hore ee Mozambique iyo Kgalema Motlanthe, madaxweynahii hore ee South Africa.

Shaqada ugu horeysa ee guddiga, ayaa ah in dhammaan dhinacyada is-haya ay qeyb ka noqdaan aragtida dhameynta khilaafka lana abuuro jawi wadahadal qaran oo loo dhan yahay si loo xalliyo dhammaan arrimaha keenay isku dhaca, iyo soo celinta nabadda iyo xasiloonida  Itoobiya.

Arintan ayaa timid kadib markii madaxweynaha Itoobiya haweeneyda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde ay booqatay Koonfur Afrika, halkaasi oo ay wada hadal kula yeelatay madaxweyne Cyril Ramaphosa

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this