Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted November 20, 2020 Horaa u aragnay filankaan oo ay atooriyaashiisa ahaayeen Sheekh Shariif iyo C/raxmaan C/shakuur. Xasan Cali Kheyre oo si weyn maanta loogu soo dhaweeyay Muqdisho Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, waxeyna aheyd soo dhaweyn heer sare ah. Ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya ayaa aad looga hadal hayay maalmahii lasoo dhaafay imaatinkiisa, waxaana garoonka diyaaradaha Aden Adde kusoo dhaweeyay xildhibaano, wasiiro, odayaasha dhaqanka iyo bulshada nuucyadeeda kala duwan. Isu imaatinka dadka waxey aheyd mid si weyn loo dareemay, iyadoo Xasan Cali Kheyre oo loo arko mid ka mid ah musahraxiinta ugu saameynta badan uu lug ku tagay hoyga laga wado olalahiisa doorashada oo aan sidaas uga fogeyn garoonka diyaaradaha. Musharaxiin kale ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana ka mid ah wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdulqaadir Cosoble iyo Xuseen Cabdi Xalane. Musharaxiinta mucaaradka ayaa dib ugu soo noqoshadooda Muqdisho kadib olole ay dalalka dibadda ka wadeen waxaa lagu qeexay iney doonayaan saameyn ay ku yeeshaan guddiga doorashooyinka ay soo magacowday dowladda oo ay diidan yahiin. Maalmaha soo socda, Muqdisho waxey martigalineysaa kulamo iyo xaalado siyaasadeed oo iska soo horjeeda, maadaama la guda galayo wakhtiga doorashada, sidoo kalana wali aan la isku raacin cidda maamuleysa doorashada. Quote Share this post Link to post Share on other sites