Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Cawad u diiday xilka Safiirnimo ee loo magacaabay?

Recommended Posts

Deeq A.   
Go’aankii xilka looga qaaday kaddib, Axmed Ciise Cawad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uusan diyaar u ahayn xilka cusub ee loo magacaabay.

wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo ay BBC Waydiisay sababta uu u diiday xilka loo soo bandhigay ayaa sheegay in uu doonayo in waqti uu la qaato qoyskiisa maadaama muddo uu shaqooyiinka dowladda ku mashquulsanaa.

“Madaxwaynuhu wuu ku mahadsan yahay wuu i sharfay, wuxuu i siiyay fursad kale oo aan dalka ugu adeego, dalkaaga inaad safiir ama wasiir ka noqotid waa wax wayn, anigana diyaar ayaan u ahay inaan umadeyda aan mar walba u adeego, lakiin saddex sano oo socod badan daal badan oo howl badan baan ku jirnay oo aan qoyskeyga kala maqneyn marka waxaan go’aansaday in reerkii aan intii hore uga dhawaado,” ayuu yiri Mr Cawad.

Axmed Ciise Cawad ayaa saddexdii sano ee ugu dambeysay hayay xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Markii dhawaan la soo dhisay xukuumadda raii’sul wasaare Rooble ayaa waxaa uu Mr Cawad ka mid ahaa wasiiradii mar kale xilalkooda dib loogu magacaabay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this