dhismahaguud Posted March 17, 2021 Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka digey in ciidamada Xoogga Dalka la kala qeybiyo By Mahad - March 17, 2021 Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa ka digey in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed la kala qeybiyo isla markaana laga shaqeeynayo in ciidamadu burburaan. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay Taliyaha ciidamada xoogga dalka general Odowaa iyo taliyaha ciidamada Lugta General Biixi inay ku howlan yihiin sidii loogu kala qeybin lahaa ciidamada kuwo daacad u ah Farmaajo iyo kuwo kale. “Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo. Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ciidamada loo kala qeybinayo kuwo dagaalada loo diro iyo qaar doorashooyinka lagu qalqal gelinayo. “Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka.” Ugu dambeyntii waxa uu Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur uga digey taliyaha ciidanka in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro ku milanka siyaasada, waana in uu ogaadaa in waa lay amray aysan luquntiisa ka saari doonin danbiyada uu galo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka digey in ciidamada Xoogga Dalka la kala qeybiyo - WWW.JOWHAR.COM Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa ka digey in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed... Quote Share this post Link to post Share on other sites
dhismahaguud Posted March 20, 2021 Citizens from the republic of Somaliland living in Banaadirland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
dhismahaguud Posted March 26, 2021 Xasan Abgaal oo soo bandhigay qodob Puntland u saamaxaya in ay Soomaaliya ka go’do Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa sheegay in qodob Dastuuriya uu Puntland xaq u siinayo in ay ka go’do Soomaaliya, haddii la waayo dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam Federaal ah. Wasiir Abgaal oo ka hadlayay kulan maanta ka qabsoomay duleedka Garoowe, ayaa tilmaamay in Puntland aysan marnaba aqbali doonin wax ka hooseeya dowlad Soomaaliyeed oo Federaal ku dhisan ,islamarkaana ilaalisa wixii lagu heshiiyay. Xasan Abgaal, ayaa sidoo kale caddeeyay in Puntland ay ka go’i doonto Soomaaliya, haddii laga quusto nidaam dowladeed oo ku salaysan Federaal, kaas oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay. PUNTLAND POST Quote Share this post Link to post Share on other sites
dhismahaguud Posted March 26, 2021 “Xasan Abgaal, ayaa sidoo kale caddeeyay in Puntland ay ka go’i doonto Soomaaliya, haddii laga quusto nidaam dowladeed oo ku salaysan Federaal, kaas oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay.” Another nuclear option from pirateland clowns. Quote Share this post Link to post Share on other sites
dhismahaguud Posted April 1, 2021 Turkmen united. Quote Share this post Link to post Share on other sites
dhismahaguud Posted April 1, 2021 The rebirth of Hobyo in pictures. A potential game changer in the central regions. Sawiro: Doomo ku soo xirtay Dekada Hobyo oo Dhisme Ka Socdo MUDUG24.COM Dekada Hobyo waxaa ku soo xirtay dhowr doomood kuwaasi oo sida badeecado kala duwan oo horay laga soo dajin jiray Dhanka... Quote Share this post Link to post Share on other sites