Deeq A. Posted November 18, 2020 Xiisad colaadeed ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay ka taagaan tahay deegaano ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in xiisada ay salka ku heyso Barkado baco ka samaysan oo si macmal ah looga sameeyey deegaano dhaca bariga Galgaduud iyo kuwo kale oo ku yaalla koonfurta gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Mid ka mid ah labada maleeshiyo beeleed ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay xireen waddo muhiim ah oo isku xirta deegaanadaasi, iyaga oo ka cabanaya in aan weli xal laga gaarin muranka ka taagan isticmaalka barakadaha lagu muransan yahay. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyadoona labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wadaan halkaasi. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayo in dagaal uu qarxo, madaama haatan maleeshiyaadka ay wadaan is-uruursi iyo abaabul xoogan. Dhinaca kale waxgaradka deegaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa dhankooda wada dadaallo la doonayo in looga hortago xiisadaasi colaadeed. Gobollada Galgaguud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyo soo noq-noqday, kuwaas oo geysta khasaarooyin kala duwan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites