Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiyadda Mucaaradka Denmark Oo Walaac Ka Muujiyay Heshiis Qarsoodi Ah Oo Oggolaanaya In Si Khasab Ah Soomaalida Lagu Mustaafuriyo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Denmark)-Xisbiyadda mucaaradka dalka Denmark ayaa walaaca kasoo saaray heshiiskii qarsoodi ah oo u dhexeeya Danmark iyo Soomaaliya oo ku saabsan mustaafurinta khasabka ah.

Denmark ayaa lagusoo warramayaa in heshiiskan oo aan la shaacin ay la gashay Soomaaliya, kaas oo ku saabsan in lasoo mustaafuriyo shakhsiyaadka dalkeeda ka gala dambiyada Drugs-ka iyo xatooyada.

Dhalinyaro Soomaali ah oo dalkaas ku nool ayaa loo xidhay dambiyo ay kamid yihiin xatooyo iyo iibinta daroogada, taasina waxay keentay qorshe ah in Denmark sannad walba 12 qof oo Soomaali ah dalkeeda kasoo mustaafuriso.

Xisbiga mucaaradka dalkaas ayaa dalbaday in loo baahan yahay in la caddeeyo arinkaan.

Dhukumanti warbaahintu heshay ayaa xusaya in uu jiro heshiis afka ah oo u dhaxeeya Soomaalida iyo mas’uuliyiinta deenishka, kaasoo khasab ka dhigaya in la mustaafuriyo muwaaddiniinta Soomaalida iyadoo laga mamnuucayo inay ku noolaadaan Danmark.

Warbaahinta ay Somalilandtoday xiganayso ayaa ku warrameysa inay heshay dhukumanti sheegaya in heshiis udhaxeeya labada dal uu dhaqan galayo.

Wasaaradda Socdaalka iyo Is-dhexgalka ayaa farriin qoraal ah ku sheegtey in heshiiska Danmark iyo Soomaaliya uu yahay mid sir ah oo aan wax faallo ah oo dambe laga bixin doonin.

“Danmark muddo dheer ayey ka shaqeysay sidii loo dhisi lahaa iskaashi lala yeesho mas’uuliyiinta Soomaalida ah ee la xidhiidha mustaafurinta muwaadiniinta Soomaalida ee ka soo jeeda Denmark ee la geeyo Soomaaliya. Shaqadani waa mid qarsoodi ah iyo codsi ka yimid Soomaaliya, marka wasaaraddu ma awoodo inay ka sii faallooto, ” ayay wasaaraddu u qortay TV2

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this