Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudaha Maraykanka oo awaamiir culus laga soo saaray xanuunka COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Michigan ee waddanka Maraykanka Gretchen Whitmer, ayaa shaacisay in la mamnuucey cunnada maqaayadaha lala fariisto, ardada dugsiyada sare iyo kuleejyada ee fasallada xaadira, shaneemooyinka iyo kuwa goobaha kasiinada ee lagu cayaaro qammaarka.

Mrs. Whitmer waxay sheegtay in isku imaanshiyaha guryaha iyo xaafadaha xataa aysan ka badnaan karin illaa iyo 10 qof si loooga feejignaado faafidda xanuunka COVID-19.

Gobolka waqooyi bari ee Washington, guddoomiye Jay Inslee, waxa uu isna mamnuucay ka cunteynta maqaayadaha la fariisto, waxana uu dukaamada tafaariiqda gada ku amrey in ay macaamiishooda gudaha galeysa ku koobaan xaddigooda 25%.

Isku imaanshiyaha dibadda, ayaa lagu koobay illaa iyo shan qof oo kaliya, halka midka guryahana la mamnuucey in dad aan guriyahaasi degganeyn isku yimaaddaan.

In ka badan 246,000 ayaa gudaha Mareykanka ugu dhintay COVID-19, taas oo ka dhigaysa in dalkani uu yahay kan ugu horreeya ee dhinaca dhimasha cudurka.

PUNTLAND POST

The post Gudaha Maraykanka oo awaamiir culus laga soo saaray xanuunka COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this