Sign in to follow this  
Deeq A.

Dooni kalluumeysi oo ku soo caarisay xeebaha gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dooni kalluumeysi ah ay ku soo caarisay deegaanka Gumbax oo ka tirsan gobolkaasi, kadib markii ay cilad ka soo wajahday dhinaca Matoorka.

Doonida oo aheyd nooca dheereeya ayaa la sheegay in maalmihii u dambeey ay taagneyd xeebta deeganka Raasa-Bibna, kadib markii ay u suura-geli weysay inay ku soo xirato dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in doonidaas ay la socdeen 5 kalluumeysato ah oo u dhashay dalka Yemen, balse waxaa la sheegay inay u rarneyd ganacsato Soomaali ah.

Waxaa haatan socda gurmad xoogan oo loo fidinayo doonidaas iyo agabka saaran, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka Gumbax ee gobolka Bari.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay dooni ku soo caariso xeebaha gobolka Bari ee maamulka Puntland, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay ay isa soo tareysay cabashada ka soo yeereysa ganacsatada isticmaasha maraakiibta iyo doomaha ku xirta dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this