Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa faafiyay warqaddii ay beelaha Hawiye sida sirta ah ugu gudbiyeen Rooble?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi odayaal ah oo ay wakiisheen dhaqanka iyo waxgaradka Beelaha Mogadishu Clan ayaa 14-kii bishan la kulmay ra’iisal wasaare Rooble, kuwaasi oo mudane Rooble u gudbiyay cabasho xoogan oo ay beeshu ka qabto tallaabooyinkii u dambeeyay ee xukuumadda.

Muxiyadiin Xasan Afrax, oo ah Guddoomiyaha golaha horumarinta danaha beesha Mudulood, qeybna ka ahaa guddigii odayaasha ee la kulmay ra’iisal wasaare Rooble ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la dusiyo warqaddii loo gudbiyey ra’iisul wasaaraha, oo baraha bulshada lagu faafiyo.

“Ra’iisal wasaaraha waxaan ugu tagnay arrin lid ku ah Beelaha Mogadishu Clan, arrintaas waan ka hadalnay waana u gudbinnay waxaan qabnay, isaguna si fiican ayuu nooga qabtay. Ra’iisal wasaaraha, wuxuu noo sheegay inuu arrintaas haddii ay jirto uu wax ka qabanayo” ayuu yiri Muxiyadiin Afrax.

Waxa kale oo uu ka gil-gishay waraaq lagu baahiyey baraha bulshada oo lagu sheegay inay tahay waraaqdii ay Rooble u gudbiyeen guddiga la kulmay, taasi oo uu ku tilmaamay mid aan munaasib aheyn, isla markaana arrintaasi ka raali-geliyay ra’iisal wasaaraha.

“Arrintaas waxaa isku ogeyn sidii raysal wasaaraha loogu dhiibay inay ahaato, iskuma ogeyn baro bulsho in loo qeybiyo iskuma ogeyn baro bulsho loo qeybiyo arrintaas xadgudub ku tahay odayaasha Mogadishu Clan ayay ku noqoneysa Raysal wasaaraha waxba uma dhibeyso”

“Anaga waxay naga xumeyneysa magacii iyo is aaminidii, baraha bulshada iyo warbaahinta waxbaa la dhigaa, laakiin wax aan lagu talagelin ma fiicno in la dhigo” ayuu ugu dambeyntii yiri guddoomiye Muxiyadiin.

Guddiga ayaa dhawaan ra’iisal wasaaraha la wadaagay warqad ay ku qoran yihiin waxyaabaha ay tabanayaan beelaha Mogadishu Clan ee dowladda looga baahanyahay inay wax ka qabato, isla markaana lagu dalbaday in dib loogu laabto guddiyada doorashada oo ay sheegeen inay ka buuxaan ciidamo iyo shaqaale dowladeed oo aan dhax-dhexaad noqon Karin.

Sidoo kale waxay dalbadeen in la joojiyo cadaadiska lagu hayo siyaasiinta Mogadishu Clan iyo bulshadaba, lagana fogaado qorshaha ay Villa Somalia ku dooneyso inay ku fujiso boorarka musharaxiinta Mogadishu Clan, xili dhowaan laga fujiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wararka aan helnay ayaa sheegeysa in odayaasha ay sidoo kale walaac ka muujiyeen ciidamo laga keenay Eritrea oo Soomaali ah iyo ciidan kale oo ajnabi ah, kuwaas oo ay ka qabaan cabsi ah in dalka lagu geliyo dagaalo sokeeye iyo in lagu sameesto dano gaar ah.

The post Yaa faafiyay warqaddii ay beelaha Mogadishu Clan sida sirta ah ugu gudbiyeen Rooble? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this