Sign in to follow this  
Deeq A.

Muddo xileedka barlamanka iyo madaxweynaha cusub ee HirShabeelle oo lagu heshiiyey in la kordhiyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Baarlamaanka Maamulka HirShabeelle ayaa shalay loo qeybiyay nuqulo kamid ah dastuurka HirShabeelle oo la rabo in wax kabadal lagu sameeyo maalmaha soo socda.

Qodobadaan ayaa mid ka mid ah tilmaamayaa in la kordhiyo muddo xileedka Madaxweynaha iyo baarlamaanka lana gaarsiiyo ilaa shan sano, taas oo ka dhigan muddo hal sano oo dheeraad ah ay ku darsanayaan Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Warar-ka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in arintaan ay gadaal ka riixeyso Madaxtooyada islamarkaana uu qorshahaan soo billawday sanadkii hore balse laga cabsaday in lagu eedeeyo raadinta mudo korarsi.

Xildhibaan Cali Ciid oo ka tirsan baarlamaanka HirShabeelle ayaa warbaahinta u sheegay in arrintaan ay tahay soo jeedin ka timid guddiga dastuurka ee baarlamaanka islamarkaana la ogeysiiyay Madaxweynaha.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in arrintaan ay soo billaabatay sanadkii hore balse laga mashquulay haddana haddii ay baarlamaanka isku raacaan la kordhin doono muddo xil heynta hay’adaha dastuuriga ee HirShabeelle.

Sababta ayaa lagu sheegay in la doonayo in lakala weeciyo doorashada guud ee Soomaaliya iyo midda HirShabeelle oo isku waqti ah. Arrintaan ayaa durba abuurtay hadal heyn badan oo ah gudaha degaanada HirShabeelle.

The post Muddo xileedka barlamanka iyo madaxweynaha cusub ee HirShabeelle oo lagu heshiiyey in la kordhiyo first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this