Khalaf Posted November 28, 2007 Masha Allah, Hirda is a great organization. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted November 28, 2007 Bravo Hirda Walle. They are doing a rewarding job runtii, maasha-Allah. I hope the organisation finds it earlier to increase its capacity and reach, in order to undertake similar wonderful work in many parts of the country's schools. Bright future, so glad some kids are attending school after all these years. Thanks Hirda. And thank you Horn for posting the link. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Seekknowledge Posted November 28, 2007 Yeah thank you Hirda. Reminds me of old Siyad Barre's days. Digtoonow, the songs, Somalia ha noolaatoo..... Hope they stopped beating the children up never liked that part. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted November 28, 2007 I like the way they sing.!Thanks Horn. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted December 6, 2007 You're welcome jaamaca. Qaar Kamid Ah Guddiga Markabley Relief And Development Trust ( MRDT) Oo Kormeer Ku Tagay Dugsiga H/Dhexe Ee Markabley Ee Deg.Baardheere. Waxaa saaka kormeer shaqo ku tagay Dugsiga Markabley ee degmada Baardheere qaar kamid ah xubnaha guddiga Markbaley Relief and Development Trust, iyaga oo soo kormeeray geedi socodka hanaanka waxbarashada ee iskuulku uu ku socdo. Waxaana xubnaha kormeerayaasha ah ay socod ku soo mareen iyaga oo soo eegay safafka ay ardaydu ku jiraan ka hor inta aysan u gudbin fasalada. Xubnahani Guddiga Markabley Relief ayaa waxaa ay u sii tillaabsadeen fasalada gudahooda halkaasoo ay duruustu ka socotay, iyaga oo u kuurgelayay habsami u socodka hanaanka waxbarashada islamar ahaantaasi waxa ay ku dhiirigeliyeen Maamulka iyo Maccalimiintaba inay laban laabaan dadaalkooda oo aysan ku seexanin amaanta mar walba ay u soo jeediyaan waalidiinta ardayda. Qaar kamid ah ardayda ayaa waxaa goobtaasi su’aallo ku waydiiyay macalimiinta , iyadoo ay goob jog ka ahaayeen kormeerkii yimid, kuwaasi oo yididiilo weyn ka muujiyay tayada waxbarashada Dugsiga oo noqday mid kamid ah xarumaha ugu wanaagsan Gobolka . Muuqaalada arday oo tiradooda ay gaarayso ilaa 400 oo arday oo isugu jira wiilaal iyo gabdho ayaa run ahaantii u muuqday kuwo la geliyay dadaal farabadan.Dadaalkaasi oo ka yimid isku xirnaanta Guddiga Markabley Relief , waalidiinta, maamulka dugsiga iyo maccalimiinta. Dugsiga Markabley oo la aas aasay sanadii 2005 ta ayaa waxaa uu kamid noqday horyaalka waxbarashada gobolka. Waxaana Dugsiga uu suurtageliyay adeegyo waxbarasho , kuwaasi oo looga kaaftoomay ardaydii u bixi jirtay meelo ka baxsan gobolka sida magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid dalka Kenya, kaddib markii uu dugsiga uu xushay maccalimiin ka kala yimid gudaha dalka iyo weliba dalka Kenya oo aan dariska nahay. Dugsiga oo u diyaarsan fasalo kala duwan ayaa waxaa hadda xooga la saaray tayaynta ardayda dugsiga H/Dhexe ka hor inta aan loo gudbin heerka dugsiga sare oo isagu haatanba diyaarsan. Waalidiinta iyo dadka degaanka degmada Baardheere ayaa u mahadceliyay Ururka Markabley Relief oo fadhigoodu yahay dalka UK.dadweynaha ayaa ku amaanay dadaalkooda iyaga oo ka codsay qeybaha kale ee jaaliyadaha inay gacan ka siiyaan Ururkaan u guntaday inay wax ka badelaan tayada waxbarashada ee gobolka. Dhinaca kale waxaa manta laga raray dugsiga Markabley qalab isugu jira kuraas iyo miisas ,kuwaasoo loogu talagalay qalabaynta dugsi cusub oo guddiga Markabley Relief and development Trust ay ka hirgelinayso tuulada Buraa oo qiyaastii 20km dhinaca galbeed kaga began magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo. Dugsigan oo qalabkiisu idiin muuqanayo ayaa waxaa uu ka mid noqonayaa dugsiyada hoos yimaada Markabley Relief and development Trust. C/llaahi Axmed Dool waa wakiilka waxbarashada Markabley Relief, isagoo hoggaaminayo Maccalimiin dhawr ah, qalabka dugsiga iyo manhajkii iskuulka ayaa waxaa uu manta ku sii jeedaa tuulada Buraa. Duqowda waxgaradka iyo dadka degaanka buraa ayaa waxa ay horay codsi ugu soo gudbiyeen guddiga Markabley Relief ,iyagoo sheegay in aysan awood u lahayn in ay carruurtooda u hirgeliyaan waxbarasho tayo leh. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted December 6, 2007 Masha'alaah, great development, very encouraging .. Keep hope alive Quote Share this post Link to post Share on other sites