Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo war ka soo saaray qarax ka dhacay Gobolka Togdheer

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadlay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay duleedka Degmada Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Miinada ayaa la qaraxday gaari nooca dadweynaha saaraan oo ay la socdeen Arday waxka barata Iskuulka Ina Sanweyne oo ku yaalla Somaliland, waxaana halkaas ku geeriyooday Nin lagu magacaabi jiray Cali Ibraahim Sii-arag.

Muuse Biixi ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Ibraahim Sii-arag oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Alle uga baryay ardaydii ku dhaawacan tahay qaraxaa miinada inuu caafimaad taama siiyo, isla markaana u boogo dhayo dhibaatadii soo gaartay qaraxaas.

Sawirro laga soo qaaday gaariga ay miinada la qaraxday laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay in gebi ahaan uu gaariga burburay, kaasi ahaa Bus nooca dadweynaha raacaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this