Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Soomaaliya oo heshiis cusub la saxiixatay IFC

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumariunta Dhaqalaha XfS,  ayaa maanta la saxiixday laba heshiis oo lagu caawinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dhiirrigeliyo maal-gashiga gudaha iyo kan ajaanibta ah  IFC oo xubin ka ah  WorId bank Group, hadafka ugu weyn ee heshiiskan  waxa uu yahay horumarinta adeegyada bulshada, abuurista shaqooyin iyo kobcinta dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed.

Heshiiskan, oo ah kii ugu horreeyay ee ay kala saxiixdaan IFC iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uu  bixiniyaa khariidad waddo oo lagu horumarinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, taas oo loo arko inay fure u tahay mustaqbalka dhaqaalaha  dalka.

Heshiiska ugu horreeya, oo  ay la  saxiixtay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa lagu arki doonaa IFC oo saraakiisha kala talin doonta dib-u-habeyn sharciga oo taxane ah looguna talagalay in lagu dhiirrigeliyo maal-gashiga gaarka loo leeyahay ee tamarta, tikniyoolajiyadda isgaarsiinta macluumaadka, iyo qeybaha kaabayaasha warshadaha. Maalgashigaas waxaa loo arkaa inay muhiim u yihiin hagaajinta adeegyada bulshada ee  Dalkena, Heshiiska labaad ee u dhexeeya IFC iyo dowladdu wuxuu wax ka qabanayaa jawiga sharciyeynta ganacsiga wuxuuna gacan ka geysanayaa kobcinta hufnaanta ganacsiga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this