Deeq A. Posted November 14, 2020 Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa lagu ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021 taasi oo dhan $341,861,037 Miisaaniyadda ayaa waxaa ka muuqda koror dhinaca dakhliga gudaha ah oo kordhay 5%, Golaha Wasiirada ayaa dood ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey iyadoo lagu amaanay Wasaaradda Maaliyadda hufnaanta maaliyadeed iyo tashiilka oo sabab u ah in horumar laga gaaro arrimaha maaliyadda, xili uu adduunka oo dhan saameeyay Covid19. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku howlan hirgelinta qorshaha khasnada mideysan oo loo mudeeyay inay howlgasho sanadka 2021, waxayna taasi qeyb ka tahay horumarinta hab maamulka maaliyadda. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Miisaaniyada 2021 appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites