Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2021-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka Todobaad laha ah ee Golaha Wasiirada Puntland oo caawa qabsoomay uuna shir Guddoominayay Madaxwayne Ku xigeenka Puntland ahna Ku-simaha Madaxwaynaha mudane Axmed Cismaan Cilmi Karaash.

Kulanka ayaa lagu meel mariyey  miisaanidayadda dowlad goboleedka Puntland ee 2021-ka, taasi oo caddad ahaan dhammayd 341,861,037.

Miisaaniyaddan ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Puntland caawa waxaa ka muuqda korar dakhliga gudaha ah oo gaaraya 5%, taasi oo ka dhigan in wax soo saarka guduhu uu kordhay xilli ay jirto xir xirnaan badan oo uu keenay Cudurka Corona Virus .

Kadib ansixinta Golaha Wasiirada waxaa la horgayn doona Golaha wakiilada si ay u ansixiyaan dhaqan galna u noqoto ama ay wax ka badal ugu sameeyaan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this