Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha La Doortay Ee Mareykanka Joe Biden Muxuu Ka Yidhi Soomaalida??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Musharaxii xisbiga Dimoqoraadiga Joe Biden ayaa ku guulleystay doorashada dalka Mareykanka, wuxuuna ku garaacay madaxweynaha hadda tallada haya ee Donald Trump.

Joe Biden iyo Donald Trump aad ayey ugu kala aragti duwanaayeen arrimaha Soomaalida, inkastoo madaxweynaha tallada haya aanu aqbalin doorashadii dhacday, hadana waxaa jira hadallo uu Biden hore uga sheegay Soomaalida oo dib loo xasuustay.

Joe Biden wuxuu lasoo shaqeeyay Barack Obama, waxaana la xasuustaa inuu sannadkii 2015 ka hadlay xidhiidhka ka dhaxeeya Mareykanka iyo dadka kasoo jeeda qaaradda Afrika ee ku nool dalka.

Joe oo sideed sannadood madaxweyne ku xigeen u ahaa Obama ayaa sheegay inuu xidhiidh wanaagsan la lahaa dadka Soomaalida ee ku nool Mareykanka, wuxuuna si gaar ah ula hadlay sida uu isaga xidhiidhka ula leeyahay.

“Soomaalida yar ee ku nool magaalada aan kasoo jeedo ee Delware waa ay muuqdaan, annigu gaar ahaan waxaan xidhiidh wanaagsan la leeyahay Soomaalida ku nool magaaladaas haddii aad ii raacdo halka laga raaco tareenka, waa ay joogaan oo takaasiley ayay ka yihiin halkaas, xidhiidh wanaagsan ayaa iga la dhaxeeya,” ayuu yidhi Joe Biden.

Biden wuxuu sheegay inuu si gaar ah saaxiibo ugu leeyahay bulshada Soomaalida, waxaana hadda muuqaneysa in Soomaalida ku nool Mareykanka ay aad ugu faraxsan yahiin guusha uu gaadhay musharaxii xisbiga Dimoqoraadiga.

Hadalkaan wuxuu ka sheegay shirweyne ay kasoo qeyb galeen Muslimiinta oo ay Soomaalida ka mid yahiin, waxaana looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa xagjireynta carruurta.

Ugu dambeyntii Donald Trump wuxuu bulshada Soomaalida ku daray liiska waddamada aan dadkeeda loo ogoleyn iney galaan Mareykanka, wuxuuna dhawaan ku sheegay qaxootiga ku sugan Minesota inuu wax ka qaban doono maadaama uu ku sheegay dad kusoo qulqulay waddankooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this