Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Dabageed oo noqday madaxweyne ku xigeenka cusub ee Hirshabeelle

Recommended Posts

Deeq A.   
  • FB_IMG_1605098892941.jpg?resize=598%2C43Yuusuf Dabageed

Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka cusub ee maamulka Hirshabeelle.

Yuusuf Dabageed ayaa xilkaas ku guuleystay markii uu helay 87 cod, halka musharaxii la tartamamay Maxamed Maxamuud Cabdulle uu helay 12 cod.

Yuusuf Dabageed oo ah siyaasi saameyn ku leh gobolka Hiiraan ayaa tan iyo burburkii dowladda dhexe ee Soomaaliya 1991, afar jeer soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Magaalada Jowhar ayaa lagu soo gabagabeeyay doorashadii 2aad ee Hirshabeelle, markii ugu dambeyn maanta la doortay madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

PUNTLAND POST

The post Yuusuf Dabageed oo noqday madaxweyne ku xigeenka cusub ee Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this