Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka oo taageero xooggan u muujiyay Donald Trump

Recommended Posts

Deeq A.   
4-7.jpg?resize=1000%2C562&ssl=1Xisbiga Jamhuuriga oo taageeray Mr Trump

Xubnaha sare ee xisbiga Jamhuuriga dalka Maraykanka, ayaa taageero xooggan u muujiyay madaxweyne Donald Trump, kaas oo dacwad ka gudbiyay hannaanka tirinta codadka qaar ka mid ah gobollada looga guulaystay doorashada.

Madaxweyne Trump, ayaa rajaynaya in dacwadda uu u gudbiyay maxkamadaha ay horseedo in la diido  guusha Mr Joe Biden oo ah ninka loo doortay madaxweynaha cusub ee Maraykanka.

Xubnaha ugu sarreeyay Xisbiga Jamhuuriga, ayaa sheegay in Trump uu ku saxanyahay in aanu aqbalin natiijada doorashada illaa si rasmi ah looga caddeynayo in aysan dhicin wax-isdabamarin ah.

Dhanka kale, Joe Biden oo ku guulaystay doorashada Mareykanka, ayaa sheegay  in qirasho la’aanta Donald Trump ee guuldarradii ka raacday  doorashada ay tahay wax laga yaxyaxo.

PUNTLAND POST

The post Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka oo taageero xooggan u muujiyay Donald Trump appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this