Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo goor dhow ka dhacay gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino kala duwan ayaa ayaa waxaa laga helayaa qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo goor dhow ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta goboka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 21-aad, xilli ay marayeen deegaanka Sinna-Dhaqo oo hoostaga Caasimadda Galmudug.

Inta la xaqiijiyey illaa 2 askari ayaa ku geeriyootay qaraxan, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ka mid ah ciidamadii qaraxa lala eegtay.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo laga bixiyey weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday, balse waxaa goobta gaaray ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa ammaanka.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa duleedka Dhuusamareeb laga dareemayey dhaq-dhaqaaqy u dhexeeyey ciidamada huwanta iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this