Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Sheekh Cali Wajiis ‘oo towbad keeen’ ugu baaqay Xaliimo Yarey – “Aayad qur’aan ayey beenisay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray guddoomiyaha guddiga madax-banaan ee doorashooyinka Soomaaliya Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) isagoo ugu baaqay inay ka towbad keento hadalkaas oo uu ku tilmaamay mid jahli u geeyey.

Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa shalay madal la isugu yimid ka sheegtay in bini’aadamku uu isku mid yahay, ragga iyo dumarkuna aysan waxaba is dheereyn oo Xaawo iyo Aadan isku si loo abuuray.

“Culumada waxaan aad uga baryeynaa inay Kitaabka ka run sheegaan, oo aysan na dhihin haweenku waa guri, hadey Kitaabka ku qorantahayna waa noo macneyn doonaan, laakiin bini’aadanku waa isku hal, Ilaahey nus iyo qof buuxa ma abuurin, Xaawo iyo Aadan isku hal ayey ahaayeen. Xaawo Feeraa laga abuuray ‘waa been’ meel ay ku taallo ma jirto, dad uu ilaahey abuurtay oo wada siman ayaan nahay… Diinta waan idinla bareyneynaa markaas ayaan idinla doodeynaa,” ayey tiri Xaliimo Yarey.

Sheekh Cali Wajiis ayaa Xaliimo uga jawabay hadalkaas, waxuuna ugu yeeray inay ka towbad keento, maadaama ay beenisay Aayad Qur’aan ah, “Arrintaas waxay inkirmaad cad ku tahay Aayado Qur’aan ah iyo Axaadiis saxiix ah” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

“Ilaahey SWC markuu nooga waramaayey abuuritaankii Aadan iyo Xaawo, waxuu noo sheegay in Xaawo uu ka abuuray feerta Aadan, basharka/dadka oo dhana uu ka farcansiiyey Aadan iyo Xaawo” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale Sheekha ayaa sheegay in Aayad Qur’aan ah ay ku soo aroortay in haweenku guryahooda joogaan, isagoo ku macneeyey laba arrin oo kala ah, 1-gabadhu inay nasato, maadaama ay tahay wershad soo saarta dad nool 2-Inay ilaaliso xaqa ay koriinada u leeyihiin caruurteeda.

Hoos ka Daawo labada muuqaal

The post Daawo: Sheekh Cali Wajiis 'oo towbad keeen' ugu baaqay Xaliimo Yarey - "Aayad qur'aan ayey beenisay" first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this