Sign in to follow this  
Deeq A.

Mooshin culus oo ku soo laba-kacleeyay Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa mar kale dib u soo laba-kacleeyay, mooshin abaabulan oo dhowaan laga keenay labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamanka Puntland, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Mooshinkan siyaasadeed, oo la bilowday Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa markiisi hore fara-gelin xooggan kala kulmay xukuumadda Puntland, taas oo fashilisay in bilowgii la hor-geeyo Golaha Wakiilada.

Balse, mooshinka ayaa dib u soo laabtay tan iyo xalay, waxaana saxiixay xildhibaanno badan oo doonayay in ay hor-geeyaan Fadhiga berrito ee  Baarlamanka Puntland, si xilka looga xayuubiyo labada Guddoomiye ku xigeen ee Golaha Wakiilada.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa haatan laga cabsi qabaa in ay xilkooda waayaan, haddii uu sidaas ku sii socdo mooshinka laga keenay.

Mooshinka ayaa ku soo beegmay, xilli Isniinta berri ay dib isu’gu soo laaban doonaan mudanayaasha Baarlamanka Puntland oo fasax kooban ku jiray mudda saddex maalmood ah.

PUNTLAND POST

The post Mooshin culus oo ku soo laba-kacleeyay Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this