Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka horyimid Guddgii uu xalay magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa ka horyimid Guddi-hoosaadka qaabilsan Dooorashooyinka xubnaha Baarlamanka ee laga soo doorto Somaliland, kaas oo uu xalay magacaabay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Guddiga Ra’iisul wasaaruhu magacaabay aan wax talo ah laga siin siyaasiyiinta, odayaasha Dhaqanka iyo dhammaan Beelaha kala duwan ee Somaliland sidaasi darteedna aysan aqbali doonin Guddigaas.

Sidoo kale, Qoraalka waxa lagu sheegay in aysan dhex-dhexaad ahayn oo lagu kalsoonaan Karin Guddiga uu magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble, islamarkaana ay u badan yihiin Shaqaalaha Madaxtooyada Villa Somalia iyo saraakiisha hay’adda Nabad sugidda NISA.

Hoos ka akhriso Qoraalka

Xaashi.jpg?resize=975%2C1335&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka horyimid Guddgii uu xalay magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this