Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waa Caddahay Inaan Guuleysanay…” Murashaxa Joe Biden

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Murashaxa Xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka Joe Biden iyo ku-xigeenkiisa Senator Harris oo shir jaraa’iid qabatay goor-dhaweyd ayaa sheegay inay cadahay cidda ay raacday guusha doorashada xilli ay heleen cododkii ugu badnaa ee gobalada ay ka socoto tirinta cododka sida: Nevada, Pennsylvania, Arizona iyo Georgia.

Sida hadda muuqata Joe Biden oo gobaladaasi ku horeeya ayaa helaya tiro ergo ah oo gaadhaya 306 iyadoo loo baahan yahay oo kaliya 270 ergada ka imaaneysa gobalada dalkaasi Maraykanka kooban yahay.

Biden ayaa sheegay in walow aan si rasmi ah loogu dhawaaqin guushooda hadana ay cadahay in heystaan codod kufilan isla markaana ay hada u hawlgalayaan sidii ay isugu diyaarin lahaayeen inay la wareegaan xilka.

Joe Biden ayaa sheegay in cododka ay heleen ay muujineyso inay taageero buuxda ka heleen Shacabka Maraykanka iyagoo dhanka cododka shacabka ay heleen in ka badan 4 milyan cododka uu helay Madaxweynaha xilka haya Donald Trump.

“Shacabka noo codeeyey waxaa muuqata inay diideen tafaraaruqa, cunsuriyada iyo dhaqaale burburka dalka ka jira waxayna doonayaan in isbedal weyn dalkan ka dhaco…”

Joe Biden
Joe Biden oo ka hadlayey guusha muuqata uu ka gaadhay gobalada ugu dadka badan Maraykanka, ayaa shacabka ka codsaday inay u dulqaataan inta yar ee ka hartay tirinta cododka oo mareysa heer gebo-gebo ah.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Biden hawsha ugu horeysa oo ugu muhiimsan oo ay wax ka qaban doonaan inay tahay Covid19 oo khasaaro ba’an u geystay shacabka Maraykanka, in ka badan 240-kun oo qof ayuu coronavirus ku dilay dalkaasi, maanta oo kaliya ayaa dalkaasi laga helay cudurkan in ka badan 125-kun qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this