Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Janaale oo beeniyey inay Al-Shabaab galeen deegaankaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka deegaanka Janaale ee gobolka Sh/ Hoose, Cabdiraxmaan Nuur Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa ka hadlay warar saacadihii la soo dhaafay lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka oo lagu sheegay inay Al-Shabaab gudaha u galeen deegaankaasi.

Al-Cadaala oo wareysi gaar ah siiyey Radio Shabelle ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay weerarkaasi, wuxuuna shaaciyey in haatan Janaale ay ku sugan yihiin ciidanka Xoogga.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in xaaladdu ay tahay mid degan, islamarkaana amniga uu yahay mid aad u wanaagsan.

Dhinaca kale guddoomiyaha Janaale ayaa xusay inay jiraan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo saacadihii ugu dambeeyey isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Janaale ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee lagala wareegay Xarakada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this