Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo la fasaxay mudda saddex maalmood ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa fasax la geliyay mudda saddex maalmood ah, si ay u soo akhriyaan Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo ay Golaha u gudbisay Wasaaradda warfaafinta.

Guddoonka Baarlamanka, ayaa xildhibaannada ku wargeliyay, in ay fasax yihiin mudda saddex maalmood ah laga bilaabo Khamiistii shalay, islamarkaana ay dib isugu soo laabtaan maalinta Isniinta ah ee todobaadka soo socda.

Mudane ka tirsan Baarlamanka, oo si kooban ula hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa sheegay in Xildhibaannada loo fasaxay, si ay wakhti ku filan ugu helaan akhrinta Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo dhowaan loo gudbiyay, ka hor inta aysan ansixin Xeerka.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo horyaalla Golaha Baarlamanka, ayaa la filaya in Xildhibaannadu dood ka yeeshaan Isniinta soo socota, kadib markii soo akhriyaan saddexda maalmood oo fasaxa la geliyay.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo la fasaxay mudda saddex maalmood ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this