Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi iyo James Swan oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa wada-hadallo dhanka taleefanka ah oo ay yeesheen madaxweynaha Somaliland & ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Muuse Biixi iyo James Swan ayaa ka wada-hadlay xiisada u dhexeysa labada dhinac, kadib markii ay dhowaan Somaliland deegaanadeeda ka mamnuucday hay’adaha QM.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka lagu soo qaaday arrintaasi, iyada oo James Swan uu shaaciyey inay muhiim tahay in dib loo soo nooleeyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Somaliland ayaa horey ugu eedeysay hay’adaha Qaramada Midoobay inay ka amar qaataan dowladda dhexe, sidaas daraateedna aysan ka howl-gali karin deegaanadeeda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this