Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada HirShabelle oo goor dhow doortay guddoon cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada baarlamaanka HirShabelle ayaa goor dhow doortay guddoomiye cusub, kadib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa ku loolamay labo musharrax oo kala ahaa Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir).

Codadkii la dhiibtay ayaa waxa ay guushu ku raacday Cabdixakiin Luqmaan oo helay 77 cod, halka musharraxii la tartamayey uu isna helay 21 cod.

Sidoo kale Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa isna ku soo baxay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka labaad ee HirShabelle, kadib markii uu tanaasulay xildhibaankii la tartamayay oo lagu magacaabo, Saadaq Salaad Warsame.

Waxaa sidoo kale haatan socota codeynta doorashada guddoomiye ku xigeenka labaad oo ay u sharraxan yihiin Marwo Canab Axmed Ciise iyo Mahad Xasan Cusmaan.

Kadib waxaa xigi doonto doorashada madaxweynaha cusub ee HirShabelle iyo ku xigeenkiisa oo maalmaha soo socda ka dhici doonta magaalada Jowhar.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this