Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Joogtada ah Ee Golaha Shacabka oo Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddiga Joogtada ah ee golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan kamid ah Kalfadhiga 8-aad Kulankiisa 1-aad ee Golaha Shacabka, waxaana shir guddomiyey guddomiyaha golaha shacabka Mohamed Mursal Sheikh Cabdurraxman.
Ajendaha Shirka ayaa ahaa Dib U Eegista Ajendaha Golaha Shacabka, Iyo Shuruucda Heerarka Kala Duwan Maraya ee Laga Dugayo Golaha Shacabka Inuu Ka Shaqeeyo.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa waxaa muddo xileedkooda ka harsan muddo kooban, waxaana horyaallo shuruuc dhowr ah,kuwaas oo muhiim ah sida dib u eegista iyo meelmarinta Dastuurka.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this