Deeq A. Posted November 3, 2020 Guddiga Joogtada ah ee golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan kamid ah Kalfadhiga 8-aad Kulankiisa 1-aad ee Golaha Shacabka, waxaana shir guddomiyey guddomiyaha golaha shacabka Mohamed Mursal Sheikh Cabdurraxman. Ajendaha Shirka ayaa ahaa Dib U Eegista Ajendaha Golaha Shacabka, Iyo Shuruucda Heerarka Kala Duwan Maraya ee Laga Dugayo Golaha Shacabka Inuu Ka Shaqeeyo. Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa muddo xileedkooda ka harsan muddo kooban, waxaana horyaallo shuruuc dhowr ah,kuwaas oo muhiim ah sida dib u eegista iyo meelmarinta Dastuurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites