Deeq A. Posted November 3, 2020 Wasiirka amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Xundubey ayaa sheegay in ay wax badan ka qaban doonaan ammaanka magaalada Muqdisho. Xundubey ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka ay haatan ku howlan yihiin sidii ay wax uga bedali lahaayeen amniga caasimadda. Sidoo kale wuu bulshada Soomaaliyed ka codsaday in ay la sheeqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo helo xasilooni iyo ammaan buuxa intaba. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada ammaanka ayaa xoojiyey howl-gallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites