Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharaxiinta Guddoonka Barlamaanka Hirshabeelle Oo Khudbado Jeedinaya

Recommended Posts

Deeq A.   

 Mudanayaasha  Baarlmaanka cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, ayaa Maanta kulankii labaad ku yeelanaya Magaalada Jowhar.

Kulankaas ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, kuwaas oo shalay is diiwaan-geliyay

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa waxaa u tartamaya laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, halka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad u taagan yihiin laba Musharax oo kala ah Siraaji Sheikh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame.

Sidoo kale, xilka Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Hirshabeelle, ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiinta kala ah Mahad Hassan Osman iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas.

Doorashada Guddoomiyaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, ayaa sida qorshaysan maalinta berri ka dhacici doona Magaalada Jowhar, waxaana socda ololihii ugu dambeeyay ee Doorashada.

PUNTLAND POST

The post Musharaxiinta Guddoonka Barlamaanka Hirshabeelle Oo Khudbado Jeedinaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this