Sign in to follow this  
Deeq A.

Goorma Ayaa La Dhageysan Doonaa Khudbadaha Murashaxiinta Guddoonka Baarlamaanka 2aad?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka 2-aad ee maamulka Hirshabeelle ayaa  lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta ay dhageystaan khudbadaha  Mushariinta u taagan xilka guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa.

Musharaxiinta ayaa la filayaa in khudbooyinkooda ay kaga hadlaan waxqadka haddii ay ku guuleystaan xilka guddoonka baarlamaanka afarta sano ee soo socota, waxaana barrito ay tahay maalinta loo asteeyey in ay dhacdo doorashada guddoonka.

Guddiiga doorashada ayaa maalimadii shalay shahaadooyinka aqoonsiga siiyey ilaa 6 musharax, kuwaas oo u tartamayo xilka guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen, waxaana la filaayaa in bari tartan la doorto guddoonka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this