Sign in to follow this  
Deeq A.

Murashaxiinta Guddoonka Hirshabeelle oo La Guddoonsiiyey Shahaadada

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka 2aad ee maamulka goboleedka Hirrshabeelle ayaa goordhow shahaadooyinka aqoonsiga murashaxa  guddoonsiiyey musharaxiinta ku tartamayo qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka  iyo labadiisa ku-xigeen ee maamulkaasi.

Qabashada xilka guddoomiyaha ayaa waxaa u taagan murashaxiinta kala ah Murashax Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo  Murashax Maxamuud Maxamed Goodir, waxaana ay ku tartami doonaan codadka 90-ka xildhibaan ee golaha wakiillada Hirshabeelle, kii guuleysta ayaana noqon doona guddoomiyaha.

Sidoo kale guddiga ayaa waxaa ay shahaada aqoonsiga ay siiyeen Murashaxiinta u taagan qabasha ku-xigeenka 1-aad ee Baarlmaanka iyadoo ay ku tartamayaan Murashax Saadaq Salaad Warsame iyo Murashax Siraaji Sheekh Isaaq, iyagoo ku hardamayo codadka xildhibaannada.

Dhanka kale waxaa ku xigeenka 2-aad shahaadada aqoonsiga ay guddiga doorashada ay u siiyeen murashaxiinta kala ah Murashax Mahad Xasan Cismaan iyo murashax Marwo Canab Axmed Ciise oo ku tarmaysa ku –xeenka ee golaha wakiillada Baarlmaanka 2-aad maamulka goboleedka Hirshabeelle.

Xildhabaannada ayaa maalinta barrito ah waxaa ay dhageysan doonaan khudbooyinka murashaxiinta iyadoo maalinta arbacada ah oo taariikhdu tahay 4 bisha la qaban doono doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo labadiisa ku –xigeen sida ku cad jadwalkii uu soo saaray guddiga.

Xilka Guddoomiyaha

123348201_1047084655721162_7968770514830263903_o.jpg?_nc_cat=108&ccb=2&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=KqjwZQZi9NkAX9UoGde&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=6db64a6cf0079f7baca4aeeff1de8c06&oe=5FC3DD39

123563011_1046976082398686_9089444724197164265_o.jpg?_nc_cat=108&ccb=2&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=HZ7qle3B9XwAX-9Lril&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=58d53684952dd160293c462073ffdab1&oe=5FC4B83F

Ku-xigeenka 1-aad.

123547527_1047004645729163_7779025671509823375_o.jpg?_nc_cat=105&ccb=2&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=jGg368n35H4AX_3VsyK&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=a8cb0758cb08bf3addf197c3c647e948&oe=5FC5C2C0

123647881_1047059959056965_8763394727116625409_o.jpg?_nc_cat=106&ccb=2&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=_AhRDtvACEQAX-WVNy9&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=e42862fc99bab027304ef1a8f0e10a18&oe=5FC3C44F

Ku-xigeenka 2-aad

123506354_1047058762390418_2681164724337649159_o.jpg?_nc_cat=100&ccb=2&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=E3jBbnQrObwAX8BkovE&_nc_oc=AQmBWJD8GAy2HJvDTDgpRoYP-R--wq5KMAIwJ1E-QuFKrv98xGyuJMkpcjKtPYW9PyA&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=dece0cef27c56e9cab19c819a8bbba35&oe=5FC75DAF

123644439_1046977079065253_7521094373871159993_o.jpg?_nc_cat=106&ccb=2&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=XK6Beo2dNKMAX_uKWim&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=ac1b1578500b4ef5409de443ceb1a971&oe=5FC5A5DE

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this