Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka iskuulka Hoyga Xamar oo ka cabanaya dhul boob lagu hayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka, macalimiinta iyo ardayda iskuulka faca weyn ee Hoyga Xamar ayaa maanta dhigay isu soo bax ay uga cabanayaan ganacsatado dhulka boob ku hayo xarunta iskuulkaasi oo ay leedahay wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.

Ganacsatada ayaa dooneysa in ay deegaan u bedalaan dhismaha iskuulka, sida uu shaaciyey maamulka dugsiga Hoyga Xamar

Dibad-baxa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay midowga dugsiyada gobolka Banaadir & Abuukar Cawaale (Qaad Diid) oo isagu ka mid ahaa dadkii ka aflaxay Hoyga Xamar.

Ardayda iyo macalimiinta ka qeb-galay banaan-baxan ayaa ku qeylinayey (Farmaajo noo hiili) iyo erayo kale oo ay ku cabirayeen dareenkooda.

Halkan hoose ka dhageyso warbixinta.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/11/WARKA-ZAAKRIYE-HOYGA-XMAR.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this