Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Mooshin ay wadeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilo wareedyo kala duwan, oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in uu fashil ku dhammaaday mooshin abaabulan, oo maalmihii la soo dhaafay ka socday xarunta Baarlamanka Puntland.

Mooshinka oo la doonayay in xilka looga qaado labada Guddoomiye ku xigeen ee Golaha Wakiilada Puntland, ayaa soo ifbaxay bilowgii Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland oo haatan socda, balse waxa la sheegay in xukuumaddu kala furtay xubno ka tirsan Baarlamanka oo mooshinkaasi waday.

Madaxweyne Deni iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Xassan Abgaal, oo ka cabsaday in xasarad siyaasadeed gudaha kaga furanto, ayaa la sheegay in ay kaalinta ugu adag ka ciyaareen fashilinta mooshinka, islamarkaana ay xildhibaannada qaarkood ballan-qaadyo u sameeyeen, halka qaar kalena ay shaki ka dhex abuureen.

Labada Guddoomiye ku xigeen, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame, oo mooshinka lagu ridi lahaa, ayaa dhankooda kulamo gaar-gaar ah la yeeshay xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamanka, si ay u fashiliyaan mooshinka.

Waxa xusid mudan, in aysan jirin eedaymo sugan oo lagu caddeeyay mooshinka, kuwaas oo loo cuskaday labada Guddoomiye ku xigeen, waxaana wararka qaar sheegayan in mooshinku la xiriiray arrimo siyaasadeed.

PUNTLAND POST

The post XOG: Mooshin ay wadeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo fashilmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this