Kamaavi Posted March 28, 2010 Maxkamad ku taala magaalada Addis Ababa ayaa dil ku xukunatay Xasan Maxamed Maxamuud oo loo yaqaano Xasan yare oo sanadihii u dambeeyey ku xidhnaa xabsiyada Ethiopia. Xasan yare ayaa dhowr sano ka hor ciidamada Ethiopia ka qabteen magaalada Diradhabo isagoo markaa ku sugnaa guri uu lahaa nin ay qaraabo yihiin. Dowlada Ethiopia ayaa muwaadinkan ku eedaysay inuu ka tirsanaa Ururada hubaysan ee ka dagalaama gobolka soomaalida(******), iyadoo si gaar ah loogu eedeyey inuu ka tirsanaa Ururkii la odhan jiray Al-itixaad. Xasan yare ayaa ah nin dhalinyara ah oo magaciisa si wayn looga yaqaano guud ahaan dhulka soomaaliyeed gaar ahaan magaalada uu ka soo jeedo ee Godey. Wixii ka soo kordha xukunka lagu riday Xasan yare dib ayaan ka soo tabin doonaa hadii Allah idmo. Isha warka! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted March 28, 2010 Ethiopia oo daldalaad ku xukuntey sargaal Soomaali Galbeed ka tirsan Nin Soomaali ah oo lagu soo eedeeyey in uu ka tirsanyahay ururka xoreyta Soomaali Galbeed oo horey loo oran jirey Al Itixaad Al Islaamiya ayay maxkamada Ethiopia ku taala ku xukuntey in xarig lagu daldalo. Ninkani oo magaciisa lagu sheegey Xassan Maxamed ayaa waxyaabaha lagu eedeeyey waxaa ka mid ah shirqool dil ah oo loo maleegey saraakiil dowlada xabashida ka tirsan, qorshe lagu qarxin lahaa xadiidka tareenada iyo waliba dilka 3 qof oo rayid ah. Wax war ah kama soo bixin Soomaali galbeed oo arrintani la xariirto. Tani waxa ay imanaysaa xili ay maxkamad ku socoto Bashiir Makhtal oo isagana lagu heysto xubin ka ahaansho jabhada ONLF oo iyana ka dagaalanta gobolkaasi ********iya. Isha warka! Quote Share this post Link to post Share on other sites