Sign in to follow this  
Deeq A.

Yoonis Faarax Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Sweden

Recommended Posts

Deeq A.   

Laacibka Xulka Qaranka Soomaaliya Yoonis Cabdirisaaq Faarax ayaa gaaray magaalada Stockholm ee dalka Sweden,waxaan si weyn halkaa ugu soo dhaweyay qaar ka mid ah bahda isboortiga iyo laacibiintii Xulka Qaranka Soomaaliya.

FB_IMG_1603944345471.jpg

Yoonis Faarax oo ka mid ahaa xidigihii kaalinta wanaagsan ka qaatay guulihii Xulka Qaranka Soomaaliya ee is reeb reebka ciyaaraha koobka aduunka ayaa ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka dheela Wadamada Yurub,waxaana xidigan dhalay xidigihii hore kooxaha Madbcada Qaranka iyo Horseed Cabdirisaaq Faarax Garooje. Sequence-03.00_00_37_05.Still001-1024x76

“Way mahadsanyihiin reer Sweden waxay ii muujiyeen jecel iyo saaxiibtinimo waxaan ugu mahad celinaynaa sida diiran ay ii soo dhaweeyeen” ayuu Goobjoog Sports u sheegay laacib Yoonis Cabdirisaaq Faarax.

IMG-20201029-WA0008-1024x682.jpg

Xidigaha soo dhaweynta Yoonis Faarax ka qey galay waxaa ka mid ahaa goolhayihii hore Xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxaha Jeenyo iyo Heegan Mustaf Nakuuja,Jowhar Xaaji iyo xidigo kale oo ka dheelay heerarka kala duwan ee Wadanka Sweden

FB_IMG_1603944357897.jpg

“Sharaf ayay inoo aheyd in aan Sweden ku soo dhawayno laacibka ka tirsan xidigaha tayada wanaagsan ee dalkeena,waxaana garab taaganahay saaxiibkeena iyo xidigaha kale ee difaacaya cakankeena iyo sharafteena” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Jowhar Xaajo oo ah shaqsi si weyn loo qadariyo horomarinta ciyaaraha Sweden.

FB_IMG_1603944347986.jpg

Si kastaba bahda ciyaaraha Soomaaliya ayaa si weyn caalamka iyo gudha dalka ugu soo dhaweeya ciyaartooyda hore,kuwii dhexe iyo kuwa iminka dheela waxayna falanqeyaasha ciyaaraha arimahan oo kale u arkaan isku xirnaan wanaagsan.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this