Sign in to follow this  
Deeq A.

Mursal oo baaq la xiriira doorashada u diray xukuumadda cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xalay ka qeyb-galay munaasabad loogu mahad-celinayey xildhibaanada golaha shacabka, kadib ansixintii golaha wasiirada ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socota 2020/21.

Ugu horreyn Mursal ayaa farriin u diray xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna shaaciyey in looga fadhiyo inay ka shaqeyso sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda waqtigii loo asteeyey

Mursal ayaa sidoo kale tilmaamay inay muhiim tahay in doorashada ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay ku qanacsan yihiin dhinacyada oo dhan.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorashada soo socota oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha oo horey heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this