Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo farriin culus u diray xukuumadda Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka qeyb-galayey xalay munaasabad loogu mahad-celinayey xildhibaanada baarlamaanka, kadib ansixintii golaha wasiirada ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan doorashada soo socota 2020/21.

Mursal ayaa marka hore farriin u diray xukuumadda cusub ee hoggaaminayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo sheegay in looga fadhiyo inay ka shaqeyso sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda waqtigeeda.

Sidoo kale afhayeenka golaha shacabka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in doorashada ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay ku qanacsan yihiin dhinacyada oo dhan.

Ugu dambeyn wuxuu kula dardaarmay golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya inay u istaagaan sidii dalka looga saari lahaa marxaladda kala guurka ah ee uu ku jiro.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorashada soo socota oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha oo horey heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan codka kalsoonida la siiyey golaha wasiirada ee uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

The post Guddoomiye Mursal oo farriin culus u diray xukuumadda Rooble first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this