Sign in to follow this  
Deeq A.

Dilal ka dhacay Caabudwaaq iyo Galmudug oo Bandow ku soo rogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka geysteen degmada Caabudwaaq ee gobolkaasi.

Dilka oo ka dhacay bartamaha magaalada ayaa waxaa fuliyey kooxo hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah oo rasaas ku furay dad ku sugnaa goob maqaaxi ah.

Inta la xaqiijiye ugu yaraan labo qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay weerarkaasi, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Shiino Faarax iyo Cabddullahi Diiriye Shaaciyeey.

Dhanka kale Mudane Cali Daahir Ciid oo ah madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa amray laamaha amniga inay gacanta lagu soo dhigaan maleeshiyaadkii ka dambeeyey dilka dadkaasi oo lala xiriirinayo aano Qabiil.

Ciid ayaa sidoo kale faray laamaha amniga degmada Caabudwaaq in maanta laga bilaabo uu dhaqan-galo bandow lagu soo rogay xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi, inta laga xaqiijinayo amniga, kaas oo ka bilaabanayo saacadda marka ay gaarto 11:30 AM.

Inta badan waxaa Gobollada Galgaduud iyo Mudug ka dhaca weeraro iyo dilal ay geystaan maleeshiyaad weli ku sugan gobolladaasi oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this