Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Laga Helay Cudurka COVID 19

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland oo Farxaan Aadan Haybe ayaa shaaciyay in laga helay cudurka Covid 19.

“Shalay ayaan waxoogaa qufac ah yeeshay si aan isu hubiyo caafimaadkayga iyo taxadir badbaado dadka kale ah u sameeyo, Baadhis la xidhiidhi Covid-19 ayaan sameeyay ilaa shalay iyo maanta oo baadhista natiijada aan sugayay guriga kama bixin. Imika ayaa la ii soo sheegay natiijada in aan positive ahay.”ayuu ku yidhi Qoraal uu ku baahiyey barta Facbuugiisa..

“Alxamdulilah wax culays ah ama isbadal ah xataa xumad ma yeelan keliya qufac kooban mooyee, markaa muhiim ayay u tahay qof kastaa inuu is baadho si uu u xaqiijiyo caafimaadkiisa iyo waajibka ka saaran caafimaadka intuu jecel yahay iyo bulshadiisa guud ahaan si aynu uga qayb noqono xakamaynta cudurka safmarka ee Coronavirus. Sida dhakhtaradu ku taliyeen 14 cisho Hadii Allah ogolaado waa waajib in aan guriga fadhiyo isna takooro.”ayuu ku yidhi qoraal uu ku baahiyey barta Facbuugiisa..

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this