Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Just like Osama Bin Laden

Recommended Posts

u_2d_2008-10-7-13-25-57f_osama.jpg

 

 

Dadka u dhashtey wadanka Brazil ee ku dhaqan Magaaladda Sao Paulo. ayaa layaab iyo qosol ku tilmaameey, kadib markii ay arkeen Nin uu eg hoogaamiyaha Al-qaeada Sh.Osama Binu Laden.

 

Francisco Fernandez ayaa la sheegay inuu yahay Ninka u eg Sh. Osame Binu Laden, waaxana la sheegay in uu yahay 48-sanno jir ku noola magaallo la yiraahdo Sao Paul ee dalka Brazil,laakin waxay wararku inta ku darayan in Francico u halkaas gaaray goor danbe, isaga oo la sheegay in dhalashadiisu tahay Brazil balse u ku cusub yahay guud ahaan magaaladda Sao Paul.

 

Francisco Fernandez ayaa wareysi siiyay Booga Al-Jazeere ay ku leedahay barta Inter-netka, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa'' waxaana ahaa, qof aan wax nolol ah haysan, waxaana ligu yiri muuqaalkaga wuxuu shaabaha Osama Binu Laden, dabedeed waxaan go'aansaday in aan isku eekeysiiyo qaabka Sh.Osama Binu laden. waxaana dadka qaar ay igu yiraahdeen Waxaa'' tahay Osama Binu laden-kii Nabadda, wixii marka ka danbeeyay waxaan go'aansaday in aan garka daayo oo aan raadiyo cimaamad iyo dhar carbeed si aan usii shabaaho Binu laden ayu yiri'' Francisco.

 

Dad kumanaan kun gaaraya ayaa la sheegay inay u soo daawasho tageen, iyago sidoo kale sawiro ka qaadayay,xitta marka u marayo wadooyinka oo dhan waxaana mararka qarood u sameynayay khudabado kala duwan islamarkaana dad aad u badan ay dhageysanayeen,

 

Si Kastaba ha ahaatee francisco fernandez ayaa waxa uu noqday ninka ay dadka reer Brazil Mudooyinkaan danbe aadka u hadal hayaan, iyado Maqaayadaha guud ahaan wadanka Brazil, ay ugu magac dareen Usama Bin Laden taasi oo dad badan ay yimaadaan , waxa uuna sheegay in halkaasi dadka yimaada uu uga jeediyo ka shaqeynta wada noolasha diimeed iyo ka shaqeynta nabadda, iyadoo ay si weyn ula dhacaan dadka reer Braziil.

 

 

Sidoo Kale waxa u yiri Xitta garoomaha ciyaaraha waan tagaya, waxaana u sheegay dhamaan calaamka in nabadda la dhowro islamarkaana la sharfo diimaha kale duwan ee calaamka lagu haysto.wuxuna inta raaciyey diinta Islaamka waa diin sharaf baddan waana in la ixtiraama ayuu yiri''

 

Francisco Fernandez ayaa la sheegay in uusan ahayn Nin Muslim ah balse u jecelyahay in uu shaabaho Osama Binu laden taas oo lagu faasiran karro in durbadiba u noqdo nin dhaqaale sii fuduud ay ku soo galeen, halka awal uu ahaa nin faqiir ah oo waxba aan haysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this