Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog:Emirate Airlines Oo Shuruudo Kusoo Rogtay Rakaabka Dalal Ay Ku Jirto Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Emirate Airlines Oo Shuruudo Kusoo Rogtay Rakaabka Dalal Ay Ku Jirto Somalia

 fly.jpg
Airbus_A320-214_Turkish_Airlines_AN11157

Wargeyska Khaliij Times ee Magaalada Dubai kasoo baxa ayaa shaaciyay in Shirkadda diyaaradaha ee Emirate Airlines  ay shuruudo hor leh ku xidhay Rakaabka dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Warbixin lagu daabacay Wargeyska ayaa lagu sheegay in dadka degan Abu Dubai ee doonaya inay raacaan diyaaradda Emirate Airlines looga baahan yahay inay 96 saacadood kahor soo gudbiyaan shahaado cadeyneysa in aysan qabin Cudurka COVID-19.

Sidoo kale Khaliij Times ayaa laga soo xigtay in dadka Soomaalida ah ee doonaya inay ku safraan diyaaradda Emirate laga rabo inay heystaan Shahaado Caafimaadka ee sheegaysa in qofka uusan qabin Cudurka COVID-19, xili Cudurka uu soo laba kacleeyay.

 

Dadka rakaabka ah ee dalalkooda shuruudaha Emirate ku soo rogtay ayaa waxaa kamid ah: Armenia, Australia, Austria, ,Belgium, Bosnia, Brazil, Brunei, Bulgaria, Canada, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Italy, Japan, Maldives Islands, New Zealand, Nigeria, Norway, Oman, Poland, Portugal, Saudi Arabia, Serbia, Somalia, South Africa, , Spain, Sweden, Switzerland, Taiwan, Thailand, Turkey, United Kingdom iyo United States (New York, Washington DC, Boston, Chicago, Seattle).

Shirkadda Emirate Airlines ayaan duulimaad toos ah ku imaan Somalia, hayeeshee dadka Soomaalida ah ee doonaya inay tegaan Imaaraadka Carabta ayaa diyaaradda Emirate ka raaca dalalka deriska la’ ah Soomaaliya, waxaana dadkaas ay isugu jiraan Mas’uuliyiin, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo xubno kale.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this